Isniin

Maalinta u horraysa asbuuceena, ma jiraan dhacdo wareedyo muddaysan oo aan is oran karno suuqa ayay saamayn toos ah ku yeelan karaan. Hase ahaatee asbuucii ina dhaafay dhacdooyinkii suuqa ka dhacay ayaa sabab u ah xaaladaha ay ku jiraan USD, EUR iyo GBP. Asbuucii ina dhaafay muhiimada u weyn waxaan siinanay Wararkii kasoo baxayay Bangiyada dhexe ee dawladaha aan lacagtooda kala sarifno maadaama bil walba labada asbuuc ee u horraysa ay bangiyada dhexe soo saaran xog badan oo lacagaha dalalkaas masiirkooda go’aamin karta.

Talaado

  • AUD – RBA Monetary Policy Meeting Minutes 3:30 AM

Warkaan waxa aynu ku ogaan doonaa, waxyaalihii ay shirkoodii kaga hadleen gudiga maamula bangiga dhexe ee dalka Australia, markii ay dajinayeen siyaasada lagu maamulayo lacagta dalkaas iyo heerka la gaarsiiyay xaddiga dul saarka [Interest rates] warka nuxurkiisu waa in ay sharixi doonaan go´aankii ay qaateen iyo sababta ka dambaysay, sida oo kale waxa ay ka hadli doonaan fikirkooda iyo sida uu mustaqbalku iyaga ula muuqdo.

Taxliilin ahaan Aniga waxa ay ila tahay in ay hoos u dhigi doonaan xaddiga dul saarka ee uu bangiga dhexe bil walba jaan gooyo, si loo bilaabo soo kabsashada dhaqaalaha dalka oo 30 sano markii u horeysay galay hoos u dhac dhaqaale oo weyn [ Economic Recession] DHaqaala xumada ay gashay AUD, waxaad ka ogaan kartaa Xogtii u dambaysay ee GDP-da afar biloodlaha ahayd ee Australia taasi oo aan ku ogaanay in dhaqaalaha dalka uu 7% hoos u dhacay.

Waxaa kale oo xusid mudan in Xogtii CPI-da afar biloodlaha ahayd ee soo baxday bishii june uu hoos u dhacay 1.9% taasi oo runtii ahayd lama filaankii u waynaa, maadaama ay tahay markii u horaysay ee sidaas ay dhacdo 72dii sano ee u dambaysay. Xogahaan oo idil waxa ay sii xaqiijinayaan dhaqaale xumada soo wajahdsay Australia, marka ay sidaan oo kale dhacdo, indhaha oo idil waxa ay ku jeedaan Bangiga dhexe ee dalka iyo sida uu u maamulo xaaladaan adag ee dhaqaalaha soo wajahday.

  • GBP- UK Labour Market Report  8:00 AM

Warkaan Waxa uu ku saabsanyahay xogtii suuqa shaqada ee isu taga boqortooyada midowday (UK) Warbixinta la sugayo waxa ay soo koobi doontaa, is beddelka ku yimi dadka hadda shaqeeya iyo kuwa shaqo la’aanta ah. Sida oo kale waxaa la soo badhigi doonaa celceliska cabirkii lagu sameeyay lacagta ay qaataan dadka shaqeeya.

Waxaa la filayaa in suuqa shaqada UK uu hoos u dhac ku yimid, sida oo kalena inta sanadka ka hartay in uu hoos u sii socdo maahee aan la filayn in uu soo hagaago. Hase ahaatee haddii xogta soo baxda ay ka fiicnaato sidii la filayay, taas waxay ka dhigantahay in GBP ay suuqa awood ku yeelan karto, hase ahaatee haddii xogta talaadada soo bixi doonta ay ka liidato xogtii horay loo hayay, markaas waxay ka dhigantahay in GBP ay daciif ka noqon doonto suuqyada sarifka lacagaha qalaad.

 Arbaco

  • GBP-  CPI  8:00 AM

Xogta CPI-da waa mid kamid ah waxyaalaha lagu cabiro sicir bararka (Inflation) CPI-da waxaan ku ogaannaa heerka is beddel ee ku yimid sicirka qiimaha adeegyada iyo badeecooyinka ay iibsadaan shacabka dalkaas ku nool. Bangiga dhexe ee dal walba go’aamadiisa waxaa si toos ah saamayn ugu yeesha xogta CPI.  Bangigaga dhexe ee dal walba waxaa jirta siyaasad dhaqaale oo uga dagan heerka la doonayo in lagu ilaaliyo sicir bararka, si ay bil walba wax uga beddelaan heerkaas, waxa ay ka qiyaas qaataan is beddelka ku yimid qiimaha ay adeegyada iyo badeecooyinku joogaan, si la iskugu dheeli tiro lacagta dalka taal iyo waxa ay shacabka lacagtaasi u goyn karto.

Hadafka uu leeyahay Bangiga dhexe ee dalku waa in uu qiimaha adeegyada iyo badeecoooyinka lagu ilaaliyo heer xasiloon oo aan is bed-bedel badan lahayn, si loo maamulo isbeddelka dhaqaalah dalka.  Haddii sicirka lacagtu uu ka hooseeyo qiimihii ay u qorsheeyeen, waxa ay yareeyeen heerka dul saarka lacagta si sicirka lacagta kor loogu soo qaado.

Bishii hore waxa aynu ogayn in uu saaid u kacay heerka sicir bararka UK, sababo la xiriira coronvirus. Balse waxaa muuqatay soo kabsasho kadib markii ay soo laabteen qiimaha adeegyada aasaasiga ah, hase ahaatee xogta CPI ee talaadada la sugayo ayaan ka ogaan karnaa in heerka sicir bararka uu sii kaco ama in uu hoos u dhici doono. Xog wareedkaan haddii uu ka xoog bato sidii la filayay waxa ay uga dhigantahay in lacagta GBP ay suuqa dhexdiisa awood ku yeelan doonto, dhanka kale haddii xogta soo baxda ay ka liidato heerkii la filyay, waxa ay keeni kartaa hoos u dhac ku yimaada lacagta GBP.

  • USD –  July Retail Sales  2:30 PM

Xogta Retail Sales waxa ay faahfaahin inaga siisaa, dal walba shacabkiisu sida ay u isticmaalaan lacagtii soo gashay, taasi oo fikrad inaga siinaysa koritaanka dhaqaale ee dalka. Retail Sales-ku Waxay inoo fududaynasaa in aan sawir ka helno cabbirka badeecooyinkii la iibiyay iyo xaalada ganacsatada dalka iyo macaamiishoodu sidii ay wax u iibsadeen.

Waxa aynu ognahay in bangiga dhexe ee dalku uu bil walba xog kasoo saaro in la beddeli doono heerka dulsaarka ( Interest Rates) ama in aan waxba laga beddelayn, haddaba go’aankooda waxyaalaha tooska u saameeya waxaa kamid ah xogta ay ka helaan warka Retail salesk-ka oo ah mid soo baxa bil walba, afar bilood iyo sanadle intaba.

Bishaan warkanni uma badna in uu wax badan ka beddeli doono lacagta USD, maadaama Bangiga dhexe ee Maraykanku uu laba asbuuc ka hor uu ku dhawaaqay in soo kabsashada doolarku uusan noqon doonin wax dag-dag kusoo laabanaya, ee ay doonayaan in ay soo kabsashada doolarka loo mari doono kororka ku siyaada sicir bararka waqtiga dheer ah ( Long term Inflation change) in aan xogtaan hayno waxa ay ka dhigantahay in wax badan aysan ka beddeli doonin dhaq dhaqaaqa doolarku uu ku yeelan doono kala beddelka suuqa sarifka lacagaha qalaad.

  • USD –   FOMC Rates Decision  8 :30 PM

Bangiga dhexe ee Federaalka Maraykanku waxa uu soo saaraa xog ka hadlaysa  go’aanka ku aadan in wax laga beddelay heerka dul saarka (Interest Rates) Dawalad walba lacagteeda qiimaha ay joogto waxaa laga gartaa heerka dul saarka, meesha keliya ee go’aamin kartana waa bangiga dhexe ee dalka, sidaa daraadeed ayuu muhiim inoogu yahay in aan la socono in wax iska beddeleen heerkii uu dul saarku bishii hore joogay. FOMC Go’aankooda waxaa sabab u noqda xaaladda dhaqaale ee dalku uu marayo, hadaba xaaladda dhaqaale ee dal walbana waxaa laga eegaa waxyaalaha ay ka mid yihiin, xogta shaqada iyo shaqo la’aanta(Labour market) , sicir bararka (Inflation) iyo guud ahaan caafimaad qabka Dhaqaalaha dalka intiisa kale taasi oo lagu ogaado xogta kasoo baxda (GDP)

FOMC waxaa laga soo gaabiyay, Federal Open Market Commitee, waana guddiga maamula bangiga dhexe ee dalka maraykanka ee loo yaqaan Federal Reserve (fed) Shirka ay ku kulmaan guddigaas ayaa ah mid 8 jeer la qabto sanad walba. Badanaa waxaa saxaafada hor yimaada oo xog wareedkaan akhriya madaxa FOMC, ninka loo yaqaan Jerome Powell.

Haddii aysan FOMC siyaasadoodii hore soo kabsashada waqtiga dheer ahayd wax ka beddelin, warkaani ilama ahan in uu wax weyn ka beddeli doono xaalada awoodeed ee uu doolarku imminka ku leeyahay suuqyada sarifka lacagaha qalaad.  Haddiba uusan doolarku sii xoogaysan waxa uu kusii socon doonaa soo kabsashadiisa tacbaanka ah.

Khamiis

  • AUD –  July Labour market report  3:30 AM

Xogta shaqada iyo shaqa la’aantu waa mid kamid ah meelaha ugu muhiimsan ee laga qiimeeyo dal walba caafimaad qabka dhaqaalihiisa iyo heerka kortiaan ee ku socda. Warkaani waxa uu soo bandhigaa dalkaas dadkiisa inta Shaqeeya, inta shaqa la’aanta ah iyo lacagta soo gasha kuwa shaqeeya.

Xogta shaqada ee Australia bishii hore waxay ahayd lama filaan dhaqaalaha u fiicnaa, kadib markii xadiga shaqa la’aantu ay gaartay 7.5% taasi oo ka fiicnayd intii la filayay in ay noqoto ee ahayd 7.8%.   Dhanka kalena xogtii xadiga dadka shaqeeya sida oo kale waxa ay noqotay, lama filaan u fiican dhaqaalaha dalka, kadib markii xogtii soo baxday ay gaartay +114.7K xogtaan ayaa aad uga fiicnayd tii la filayay ee ahay keliya +40K.  Bishii lasoo dhaafay Waxaa la wariyay in ay shaqooyinkoodii dib u heleen ku dhawaad kala bar dadkii reer Australia ee Coronavirus-ka dartii shaqo la’aanta u ahaa.

Hase ahaatee waxaa la filayaa in tirooyinkaas ay aad hoos ugu dhici doonaan, marka loo eego xogta la sugayo khamiista, sida uu sheegayba madaxa Hanti dhowrka dawlada federaalka Mr Josh Frydenber.  Warka marka uu soo baxo ayaan is bar-bardhigeenna taxliilineed samayn doonaa. Haddii xogta soo baxda ay noqoto, mid ka liidata sidii la filayay waxa ay inooga dhignaan doontaa in lacagta AUD ay ku liidan doonto suuqa sarifka, dhanka kale haddii xogta soo baxda ay aad uga fiicnaato xogtii la filayay, waxa ay inooga dhignaan doontaa in lacagta AUD ay awood ku yeelan karto suuqa sarifka lacagaha qalaad.

Jimce

  • CAD –  Retail Sales 2: 30 PM

Sida aynu ognahay xogta Retail sales-ku waa mid kamid ah waxyaalaha lagu qiimeeyo xaalada dhaqaale ee dalkaasi uu ku jiro, maadaama warkaani uu soo bandhigo shacabta dalku in ay wax iibsadeen iyo sidii ay wax u iibsadeen, sidoo kale xogtaan waxa aynu ka fahamnaa qaybta ganacsiga dalkaasi sida uu yahay, in hoos u dhac jiro iyo in kor u kac jiraba.

Sidii uu u bilowday Coronavirus, Bishii lasoo dhaafay ayaa u horaysay in dalka Canada uu muujiyo, soo kabsashaso xawli ah, maadaama intii badnayd dalka ganacsiyadiisii dib loo furay kadib xiritaankii uu keenay coronavirusku. Hase ahaatee aynu aragno xogta jimacaha soo baxdo iyo sida uu xaalku u ekaado. Dabcan haddii xogta soo baxda ay aad uga fiicnaato xogta la filayo, waxa ay inooga dhignaan doontaa in lacagta CAD ay awood ku yeelan doonto suuqyada, dhanka kale haddii xogta soo baxda ay aad uga liidato xogta la filayo, waxa ay ka dhigantahay in lacagta CAD ay daciif ka dhex noqon karto suuqyada sarifka lacagaha qalaad.

Category
Tags

No responses yet

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: Content is protected !!