tariikhda hayaan

Ujeedka loo asaasay Hayaan

Hayaan Academy oo ah madal waxbarasho oo ay ku midooben in kabadan 16,000 oo arday ayaa waxaa loo asaasay si bulshada somaliyeed uga fa ideysan lahayeen faidoyinka ku jira suuqan isla markaana uga midha dhalin lahayeen. 

tacliin la hubo oo ay bixinayaan macalimiin soo martay suuqan isla markaana ka midha dhaliyay oo leh hadaf isku mid ah. kusoo dhawoow

adeegyada aan bixin doono

Macluumaadka Madashan aad ka helaysid

Madasha Hayaan Academy waxaad ka heli doontaa aqoon isugu jirta buug soo koobaysa cilmigii suuqa sarifka lacagaha qalaad iyo sidoo kale muuqaalo ku sharaxaya afkaar cilmiyeedkii buugta ku dhex jiray. sidoo kale waxaad halkaan ka dheehan doontaa muuqaalo asbuucle ah oo si toos ah suuqa loogu taxliilinayo waxyaalihii lagusoo baray.

buugaag

Halkaan waxaad ka heli doonta buugaag kuu sharaxaya cilmigii suuqa, akhri oo faham deedna isku day in waxa buugta ku qoran aad suuqa ka dhex raadisid.

Muuqaalo

Hayaan Academy waxaa kuugu diyaar ah muuqaalo iskugu jira kuwa bilow ah iyo kuwa heer sare ah, haddii aad cusubtahay fadlan marka hore soo daawo muuqaalada bilowga ah si aad kuwa heerka sare ah ula qabsatid.

Taxliilinta Suuqa 

Sidoo kale Hayaan Academy waxaad ka heli doontaa, taxliilin toos ah iyo trade ideas, si aad taxliilinta halkan lasoo galiyo aad ula bar-bar dhigtid macluumaadkii aad baratay ee aad taxliilin ficil ah u baddeshid.

Talo iyo Tusaale

Halkan ayaad nagula soo wadaagi karta wixii talo iyo tusaale ah ee aad doonaysid in aad nala wadaagtid adigo gujinaya badhanka hoose mahadsanid. 

error: Content is protected !!