Hayaan

Waa Maxay Hayaan Academy?

Hayaan Academy waa nidaam ay Soomaali samaysay, Soomaali ay maamusho, looguna talogalay dadka Soomaalida ah. Hadafka Hayaan Academy waa in fursadda suuqaan la gaarsiiyo qof walba oo Soomaali ah rag iyo dumar meeshuu duuno aduunka haka joogo Cimrigii uu doono ha jiro.
Hayaan academy waa Madasha waxbarasho ee ugu weyn ee ay ku mideysanyihiin Soomaalida ugu badan ee xirfadaan Ku shaqeeya. Dhammaan ardayda Hayaan academy wax ka barata waxa ay ogyihiin in suuqaan uu yahay dagaal maalinle ah, habka keliya ee guul looga gaari karana waa in aad kamid ahaatid bulsho isku hadaf ah oo si wadajir ah suuqa u wajahda.

Sualo iyo Jawaabo Guud.

Waa maxay forex?

Forex waa labo eray oo qalaad loonasoo gaabiyey (Foreign exchange), oo la micno ah kala baddelka lacagaha qalaad.

Forex yaa leh, balse yaa qayb ka ah?

Forex cid si gaar ah uleh majirto, balse waa suuq caalami ah oo adduunka oo dhan ka dhexeeya.
Forex waxa qayb ka ah, Dawladdaha, Bank-yada, hay’adaha lacageed iyo Macaamiisha ani & adi oo kale ah.

Sidee uga shaqeysan karaa?

Si aad uga shaqeysato Waa inaad leedahay xirfadeeda.

Maxaan ka shaqeynayaa?

Waxaad ka shaqeynaysaa oo aad kala badaleysaa oo aad isku sarifeysaa lacagaha kala duwan ee adduunka sida EUR, GBP & JPY hab Online ah, adigoo isticmaalaya barta internet-ka.

Waa ayo cidda macaamiisheyda ah?

Macaamiishaadu waa Dawladdaha, bankiyada, taajiriinta lacagta haysta ee loo shaqeeyo iyo Shacabka adiga oo kale ah oo dhammaantood ku xidhiidha shabakada Internet-ka ah, marka aan lacag cayiman Buy tidhaahdo waxa aan wax ka iibsanayo waa dawladdo, bankiyo iyo malaayiin qof oo internet-ka dhankooda kaga jira oo meesha aad Buy tidhi iyagan sell yidhi.

Maxaa se la iiga baahan yahay si aan uga shaqeysto?

Waa inaad leedahay cilmigeeda oo aad xirfadda baratey.

Maxaa la iiga baahan yahay si aan uga mid noqdo?

Waxa lagaaga baahan yahay Aqoonsigaaga(Passport/ID, dawladeed), Ciwaankaaga(Proof residence) & Koonto (Bank account).

Forex Waqti intee le'eg ayaa laga shaqeeyaa Maalin ahaan & Todobaad ahaan?

Forex waxa laga shaqeeyaa 24/5 oo ka dhigan 24saac maalintii, Todobaad ahaana 5maalin Sabti & Axad aanay ku jirin.

Immisa session (kulan) amma suuq ayaa jira forex dhexdiisa?

Forex 4 suuq (sessions) ayaa forex ka jira, Sydney session, Tokyo session, London sesaion & New york session.

Immisa session (kulan) amma suuq ayaan ka shaqeyn karaa?

Dhammaantood waa kawada shaqeynsan kartaa oo xor ayaad utahay.

Sualo Iyo Jawabo Ku Saabsan Trading View

Intii ugu Badneyd ee Nalaso waydiyo

Candlestick waa mid kamid jaantuusyada loo isticmaalo shaxan sheegaha qiimaha.

Marka la joogo shaxan sheegaha qiimaha adi ayaa dooran kara waqtiga uu socon karo jaantuuskaagu, waxaana loo yaqaan Timeframe.

Pip waa dhaqaaqa uu samaynayo qiimuhu kor ama hoos.

Lot size waa qiimaha aad ku galaysid halkii ganacsi.

Xidhiidhka ka dhexeeya pip & lotsize waa isku dhufashadooda.
Pip√ólotsize=profit/loss.

Profit waa faa’idadaada, Loss waa khasaaradaada.

Qiimaha cayiman ee aad ka gashey ganacsi cayiman ayaa loo yaqaan Entrypoint.

Stoploss waa qiime cayiman oo aad ganacsigaaga ku jaangoyneyso xagga khasaarada.
Takeprofit waa qiime cayiman oo aad ganacsigaaga ku jaangoyneyso xagga faa’idada.
Ujeedka looga danleeyahay ayaa ah in haddiiba khasaare/faa’ido yimaadaan aad khasaarto kaliya khasaare/faa’ido wax cayiman oo aad khasaaradiisa ogoleyd amma wax cayiman oo aad faa’idadiisa ku talogashey.

Support & Resistance waa labo xariiqood oo jiifa kuwaas oo jaantuus tusiyaha qiimaha si jiifta aad kor & hoos uga dhiganayso , si aad ugu calaamadsato meelaha cayiman ee qiimaha kor & hoos looga celcelinayo.

Trendline waa xariiq taagan taas oo jaantuus tusiyaha qiimaha si taagan aad dhinac dhinac ah uga dhiganayso, si aad ugu calaamadsato meelaha cayiman ee qiimaha dhinac dhinac looga celcelinayo.

error: Content is protected !!